Magaca & sawirka askarigii Maraykanka looga dilay Kenya oo la shaaciyey (Sawirro)

Qoyska askari Maraykan ah oo ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay saldhiga Manda Bay ee dalka Kenya ee ay qaadday kooxda Al-Shabaab ayaa xaqiijiyey geerida wiilkooda.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Henry Mayfield ayaa 23 jir ahaa. waxaa la sheegay inuu ciidanka ku biiray bishii June 2018-ka sida ay qoreen Warbaahinta Maraykanka oo ay ku jiraan kuwa gobolka Illinois.

Laba kale oo tirsan qandaraaslayaasha Wasaararda Gaashanahdigga Maraykanka ayaa iyagana lagu dilay weerarkaasi inkastoo aan weli la magacaabin.

Carmoneta oo ah askarigan hooyadiis ayaa sheegtay in markii ugu dambeysay ay wiilkeeda FaceTime kala hadashay maalintii sanadka cusub uu bilaabanayey.

“Wuxuu ii sheegay inuusan aadeyn Soomaaliya, wax walbana ay wanaagsanaan doonaan saldhiggana uu yahay mid amni ah,” ayey tiri hooyo Carmoneta oo intaas ku dartay in Ereyadaas ay ahaayeen kuwii ugu dambeeyey ee uu iyada ku yiri

Al-Shababaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu qaaday saldhiggan, oo ay sida wadajir ah u isticmaalayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -